navyship.jpgAYl:-Wararka ka imaanaya Degmada Ayl ayaa sheegaya in la sii daayey, markab dalka Russhka laga leeyahay oo muddo bil iyo bar ah koox ay burcad baddeed Somali ahi, ay ku haysatay xeebta deegaanka Eyl ee Puntland,markabkaasi ayaa la cadeeyay inay Budhcadii haysatay ka qaadeen Aduun lacag ah oo Madax fursho ay u dalbadeen.

Wasiirka Kaluumaysiga ee Dekedaha ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta  ku xaqiijiyay in ragga burcadda ah la siiyay lacag gaaraysa 700 oo kun oo Dollar,kuwaasi oo Lacagtaasi ka Dalbaday Shirkada markabkaasi iska lahayd.

Wasiirku waxa uu eedeeyay shirkadda markabkaasi iska lahayd oo uu sheegay inay sii dhiiri gelinayaan kooxaha burcadda ee dhibaatada ku haya maraakiibta marta xeebaha Somalia.

Maamulka Puntland mas’uuliyiin ka tirsan ayuu wasiirku sheegay inay ku lug leeyihiin arrimaha afduubka oo ay la shaqeeyaan kooxaha burcad badeedka,isaga oo si cad farta ugu fiiqay inay Kaalintoodii gabeen Saraakiisha Amaanka ee Xukuumada Puntland ay waajibaadkoodii shaqo ka soo bixi waayeen.

Axmed Siciid Aw-nuur oo ah Wasiirka kaluumaysiga  ee Maamulka Puntland ayaa arinkaasi shaaca ka qaaday mar uu maanta warbaahinta la hadlayay, Masuulkaasi waxa kaloo uu sheegay inay Maraakiibta Dagaalka ee maraykanku ay laftigoodu ka gaabiyeen doorkii laga rabay inay ka ciyaaraan soo af jarida Budhcada ka ugaadhsanaysa Xeebaha Maamulka Puntland.

Markabkaasi maanta la siidaayay ayaa waxa mudo laga joogo Bil lagu haystay Meel u dhaw Xeebta Degmada AYl ee ka tirsan Gobolka Nugaal iyaga oo raga Afduubtay Markabkaasi ay ku andacoonayaan inay la siiyo lacag Madax furasho ah.

Xukuumada Puntland ayaa dhawor jeer isku dayday inay Arintaasi wax ka qabato iyaga oo Ciidamo fara badan Deegaankaasi u diray balse Nasiib daro way ku guulaysan waayeen inay soo samatabixyaan Markabkaasi iyo Shaqaalaha Saaranba.

 

 

Jaamac AYaanle

Maakhir.com