Hargays: Maamulka  Somaliland ayaa maanta si toosa ooda uga qaaday ilaa 86 Maxbuus oo ay xaalad dagaal kaga qabsadeen Maamulka Puntland, arinkaasi ayaa waxa sheegay Af hayeenka Madaxtooyada Somaliland, Siciid Cadaan isaga oo arinkaasi  ku til maamay mid ka soo yeedhay Madaxwayne Riyaale Kaahin oo Maxaabiistaasi, Maxaabiistaas ayaa waxa badankooda lagu qabtay Dagaalkii dhacay Magaalada Laas-caanood.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani ayaa warbaahinta u sheegya in Maxaabiistaasi uu cafis u fidiyay  Daahir Riyaale Kaahin,isaga oo la sheegay inuu  Riyaale arinkaasi sabab uga dhigay codsiyo badan oo ka soo baxay Odayaal dhaqmeedka Gobolka Sool iyo Cayn kuwaasi oo Maamulkaasi ka dalbaday inay Maxaabiistaasi cafiyaan.
Masuulkaasi u hadalay S./land waxa kaloo uu sheegay in Maxaabiistaasi ay ku jiraan Saraalkiil ciidan oo kuwaasi oo gacanta lagu dhigay xili uu dagaal xumi dhex marayay ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, dagaalkaasi oo markaasi ka soconayay Gobolka  Sool  oo ay mudo dagaal ku dhex marayay ciidamada kala tageersan Somaliland iyo Puntland.
Waxa jirta oo uu Masuulkaasi sheegay koox maxaabiis ah oo iyana lagu qabtay Deegaanka Dhaba-saar  ee ka tirsan isla Gobolka Sool kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 11- Maxbuus oo ku jira tiradaasi kale ee aan kor ku sheegnay,dhamaan Maxaabiistaasi ayaa waxay ku jiraan jeelasha Burco iyo Hargaysa.
Hadalkaasi ka soo yeedhay Maamulka Somaliland ayaa ku soo aada xili ay Magaalada Hargaysa joogaan Nabadoono ka soo jeeda Gobolka Cayn kuwaasi oo doonayay inay wada xaajood la galaan Maamulka S/land si loo soo samatabixiyo Maxaabiistaasi.
Gobolka Maxaabiista lagu kala qabsaday ee Sool ayaa wali waxa gacanta ku haya maamulka S/land kuwaasi oo badhtamihii sandkii la soo dhaafay dagaal dhaqaadh kula wareegay gacan ku haynta magaalada Istaraatijiga ah ee Laas-caanood.