London:- Waxaa dhamaan Jaaliyada Sanaag iyo G. Bari ee ku dhaqan daafaha wadanka Boqortooyada Ingiriiska inuuu dhici doono hadii eebo idmo shir muhiim ah oo ka dhacaya xarunta dalka ee magaalada London iyadoo shirkaasi ay soo qaban qaabineyaan Gudida Jaaliyada iyo Hay’ada Horn Relief iyadoo laga warbixin doono goorta ay bilaabneyso dibu dhiska dekeda Laasqoray.
Waxaa kaloo shirkan looga hadli doonaa cida ama shirkada la gudoon siinayo contract-ga dibu dhiska dekeda Laasqoray.
SSidaa awgeed ayaa dhamaan waxaa laga codsanayaa in Dadweynaha ku nool Gobolada kale Khaasatan, Birmingham, Liverpool, Cardiff, Sheffield, Manchester, Glasgow iyo Conventry-ba iney kasoo qeyb galaan shirkan muhiimka ah
Waxaa shirkan lagu casumayaa dhamaan Dumar iyo Waayeel, Shaqaale iyo jooge, Dhalinyaro, aqoon yahan, wadaad iyo Ganacsadeba iyadoo isla markaana laga codsanayaa iney kasoo qeyb galaan si hagar la’aan ah shirkan, waqtiga iyo goobta lagu qabanayo HOOS KA EEG:-
GOOBTA:- Muslim community Centre, BROWNLOW ROAD, W13 0SQ, West Ealing, oo ku dhegen West Ealing Mosque, Dhowr Meelood oo baabuurta la dhigto ayay leedahay goobtu, sidii loosoo kala hormaro ayaana loo kala helayaa
WAQTIGA:- SAACADA 2:30PM (LABADA IYO BARKA GALABNIMO)
MAALINTA:- AXADA AY BISHU TAHEY 23 MARCH 2008.
Hadaba balanteenu waa sidaa iyo is arag wacan oo wanaagsan.