cabd-qaasim.jpgMuqdisho:- Madaxwaynihii hore ee Dalka somaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta hooyga uu Muqdisho ka degan yahay ku qabtay Shir Jaraaid isaga oo ka hadlay waxyaabo badan oo ka mid yihiin Hanaanka dibu hashiisiineed ee la doonayo in haatan la bilaabo iyo xaaladaha Amaan ee ka jira Guud ahaan Dalka Somaliya C/qaasi waxa uu sheegay inay Dalka Somaliya colaadiisa hurinayaan wadamo Shishiiye.

Madax weynihii hore ee Somaliya C/qaasim salaad Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa waxa uu inta badan uga hadlay dhibaatooyinkii soo maray dalka Somaliya isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dowlada mareykanka iyo dad Somali ah waxuuna intaasi raaciyay in mudo dheer ah ilaa 1960- kii mareykanka uu dhibaato ka wadeen gudaha dalka Somaliya iyagoo dhinacyo kala duwan ka kala kaashanaya sidii dalka Somaliya looga dhalin lahaa colaad.

Dr C/qaasim ayaa hoosta ka xariiqay inuu Maraykanku hataan lug wayn ku leeyahay Dagaalada is daba joog ah ee ka oogan Dalka Somalia,waxa uu sheegay in Xaalada Somaliya xal loo helo karo hadii layska dhigo banaanka dadka shisheeye ee Dalka Taladiisa wax laga waydiinayo.

Cabdi Qaasim ayaa Farta ku fiiqay in hadii aan la raacin wadad dibu hashiisiinta uu dalka Somaliya taagnaandoono halka uu maanta marayo iyo meel ka sii Daran waxa uu ku cel celiyay in lala shaqeeyo Masuuliyiinta Dawlada Somaliya si loo gaadho buu yiri Nabad waarta oo dalka oo dhan laga dhaliyo.

Cabdi Qaasim ayaa  mar soo maray Madaxwayne Somaliyeed isaga oo Hogaamiye ka ahaa dawlada lagu soo dhisay Dalka Jabuuti,balse Dawladaasi ayaan Taageera buuxda ka helin Beesha Caalamka iyo waliba Bulshada Somaliyeed qaarkeed taasina waxay keentay inay Dawlaasi taag gabto.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com