kkkk.jpgWorld News:- Hogaamiyaha Ururka A-Qaacida Shiikh Usama Bin Ladin ayaa Farii Cajil ah u diray dalalka Reer Yurub kuwaasi oo uu uga digay inay joo jiyaan Faragalinta ay ku hayaan Diinta Islaamka ee Suuban, Binladin waxa uu sheegay inay jiraan kuwa Dacaayadu ka fidiyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo ilaahay ka Yeelee,kuwaasina ay dhawaan la kul mayaan Talaabo xoogan oo ay Ururka Al-Qaacida ugaga Aar gudayaaan.
Sheekh Usaama Bin Laadin ayaa si kulul u canbaareyay talbadasi  ay qaaden reer galbeedku waxana uu sheegay in dawladaha ree galbeedku  in ay ka danbeyeen talaabadaasi lagu wax yeelaynay sharafta Nabigeenada Mahamed isla markaana ay ku baahiyeen shabakaadka ay leeyihiin, waxana uu si toos ah usoo qaatay sheekho wadanka Danmark oo isagu ahaa wadankii qoray sawirkan foosh xun ee lagu Aflagaadeeyay Nabi Mahamed Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee.
Fariintaasi uu soo diray Binladin ayaa waxa la soo dhigay Bar Enternet oo ay isticmaalaan Al-Qaacida,waxana sidoo kale lagu sheegay inay dhawaan Qaraxyo xoogan la beegsan doonaan Gooba Muhiim ah oo ay leeyihiin wadamada Reer Yurub.
Hadalka Shiikh Usama ayaa ku soo aada Sanad guuradii ka soo wareegtay xiligii  ay Maraykanka iyo Xulufadiisu weerareen Dalka Iraq,iyada oo ay halkaasi ka tuureen Hogaamiyihii Dalkaasi ka talin jiray ee Sadam Xusen.
Warbaahinta ugu waa weyn Denmark ayaa ku celiyay bishii lasoo dhaafay faafinta sawiro Kartonis ah oo lagu aflagadaynaayo Nabigeena Suuban talaabadaasi oo kicisay carada iyo dadka Mulimiinta ahba.
Hadalka Binladin ayaa ku soo adaya iyada oo ay dhawaa Dalka Maraykanku sheegay inuu baadi goob xoogan u galay 41- Urur oo la sheegay inay hormuud u yihiin Al-Qaacida uu hogaamiyo Binladin.
Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements