markab.jpgMuqdisho:- Marakab Dagaal oo la sheegay in laga leeyahay Dalka Denmark  ayaa waxa uu soo gelbiyay Markab siday Sahayd Gar Gaar kaasi oo ku soo jeeday Dalka Somaliya,waxa la sheegay inuu Markabkaasi Raashin u siday Hay”adda Cuntada Aduunka ee WFP, oo loogu talagalay in lagu quudiyo Boqolaalka kun ee Qaxootiga Somalida ah.

Markamkani oo ay ku rakiban yihiin Qoryaha Machine gun iyo banbooyinka laga hago Computerada ayaa waxaa uu soo galbiyay markab u rarnaa hay’ada WFP sidayna Cuno Gargaar ah,kaasi oo la ay sheegeen Masuuliyiinta WFP in lagu taakulaynayo dadka qaxootiga ah ee ku nool gudaha Dalka Somaliya.

Markabka lagu siday Raashiinka Gargaarka ayaa waxaa lagu magacaabayay MV Faid 1  kasi oo cuno ka soo qaday Wadamo ay ka mid Tahay Dalka Kenya isla markaa  uu dalka Somalia Soo Gaarsiinaya sahaydaasi Gar Gaar.

Badweeynta Hindiya ayaa waxaa ku soo badanayay Kooxo Burcad Badeed ah oo Lacago madax Furasho ah weeydiista maraakiibta isticmaasha Badaasi isla markaana Afduubta,iyaga oo waliba dhibaato xoogan u gaystay Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Saaran Gaadiidkaasi

Q.M ayaa waxaa ay ka codsatay Beesha Caalamka in ay ka qeeyb qaataan sidii loo Galbin lahaa Maraakiibata Sida rashiinka Mucaawinaa ah ee loo Sido Dadka ay aafeeyeen dagaalada Sokeeye.

Isbuucan gudihiisa bay ahayd markii Marakab laga leeyahay Dalka Ruushka ay sii daayeen Budhcadii hasatay ka dib markii ay codsadeen lacag Madax furasho  ah oo dhan 70,000$ iyada oo Gobolka Markabkaasi lagu qafaashay uu ka mid ahaa Gobolada Puntland.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com