dekeda.jpgBosaaos:- Dooni la shegay inay ka soo booqashay Dalka Paskitaan ayaa ku soo xidhatay Dekeda Magaalada Bosaaso taasi oo siday in kabadan 1700- oo kartoonada Laga sameeyo Lacagta Faalisadah Doonidaasi ayaa waxa la cadeeyay inay soo rarateen ganacsatada iska leh Warshada Daabacada Lacagta Faalisadaha ee ku taala gudaha Magaalada Bosaaso,Maamulka Puntland ayaa Arinkaasi is hor taagay.

Doonidaasi ayaa waxa lagu Magcaabaa Nuur Al- Xijaas taasi oo ka diiwaan Gashan Dalka pakitaan waxay sidaa Doonidaasi waraaqaha laga sameeyo Lacagta iyo qalab kale oo aad u fara badan iyada oo qalabkaasi u siday warshada ku taalada gudaha Magaalada Bosaaso.

Arrinkan oo iminka soo shaac baxaya ayaa cirka ku sii shareeray isfaham waa hore oo u dhexeeyay Dowlada Puntland oo doonaysay inay xanibto dhaqdhaqaaqa Makiinada iyo Hantiilayaasha iska leh makiinada, ka dib markii Madaxwayne Cade Muuse oo faray ciidanka Booliska inay xidhaan warshadaasi aayna qaadaan agabka dhex yaal si loo dhigo Bangiga magaalada Bosaaso.

Hadalkaasi ka soo yeedhay Xukuumada Maamulka Puntland ayaa waxa uu cadho xoogan ku Abuuray Ganacsatada iska leh warshadaasi iyaga oo Maamulka Puntland uga digay inay lugta kala baxaan arinkaasi.

Falalkan ayaa noqonaya falal iska soo horjeeda oo u dhaxeeya Ganacsatada iyo maamulka puntland oo horay heshiis ugu ahaa inay wada-daabacaan lacagta faalsada ah ayaa hada u muuqda kuwa is fahan xumo u dhaxeeya, iyada oo ay Ganacsatadu ku andacoonayaan in Maamulka Puntland uu la soo dego diyaaradu Lacag ah oo diba lagu soo sameeyay isla markaana aanay dhici karayn in la xidho tan Ganacsadatu leedahay.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhi.com