kkkkkk.jpgBadhan:Waxaa ka Jira Soolasha Sanaag iyo Gobolada kale ee Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Maakhir Abaaro Xoogan oo ku Dhuftay Degaano badan ka tirsan Goboladaasi Maakhir iyo Weliba Nawaaxigeeda taasi oo Maamulku uu Fariin Wax Qabad ah kaga Codsanayo Hay,adaha Caalmiga ah ee Qaramada Midoobey iyo Weliba Dowlada Federalka Kumeel Gaarka ah ee Somaliya.

Sida uu Warsaxafadeed ka soo Baxay Xafiiska Duqa Degmada Madar uu ku Sheegay Maanta Waxaa jira Abaaro Soo Foodsaaray Dhuldaaqsimeedka Degaanada Maakhir iyo Weliba Degmooyinka Waawayn ee Makhir oo laga Soo Sheegaya Sicir Barar Dhinaca as Caarta ah taasi Samayn ku yeelatay Meelo Badan oo Goboladaasi Maakhir ka Midka ah.

Duqa Degmada ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Magaalada Caasimada ah ee Maakhir Mudane Casayr Faarax Bille ayaa Warsaxafeed ka soo Saaray Xafiisa Xarunta Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Maakhir kaasi oo Kaga Codsanyo Hay,adaha Caalamiga ah iyo Waxgaradka Sare ee Degaanada Maakhir Inay Gacan ka geystaan Sidii ay Gargaar Bini Aadamnimo ugu Fidin lahayeen Xoolaha biya la,aantu Hayso iyo Waxka Qabashada Degaanadasi.

Dhinaca kalena Waxaa uu ka Dhawaajiyey Duqa Degmada ahana Godoomiyaha Gobolka In Ciidanka Bileyska Degaanada Maakhir ay ku Guda Jiraan Dedaalo Dheeriya oo ay Amaanka Deganadaasi ku Sugayaan ku Waasi oo ay Dedaaladooda iyo Tasiilaadkoodu yihiin tixgelin iyo Awaamiir uu Farayo Dastuurka Caalamiga ah ee Dowlada Goboleedka Maakhir.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu oo uu Dhaliicayey Qolayaha Ismaamulka Puntland ee ku Dagaaladamaya Makiinadaha Faalsada ah ee Lacagaha lagaga Daabacayo Warqadaha Xafiisyada ee loo yaqaan A4 Waxaa uu yiri Waxaan Aaminsanahay Degaanada Maakhir Sicirbararka ka Jira Inay Qayb ka yihiin Waxyabahaasi.

Casayr Faarax Bille oo Xafiiskiisa Magaalada Badhan ee Caasimada Maakhir ugu Waramayey Saxaafada ayaa Sheegay In Degaanada Maakhir aysan Weli ka Daalin Dedaalada iyo Firfirconida Bulsha Waynta Maakhir isku Soo Duboo Hadalka ka soo Yeeray Gudoomiyaha Gobolka Madar ahana Duqa Degmada Badhan ayaa ku soo koobay Hadalkiisa In Waxlagala Qabta Abaaraha Baasan ee Roobab la,aantu Sababeen.
 
Maxamed Axmed Ciise
Maakhir State BadhanCity 
 
Maakhir.com 

geedi7@hotmail.com