yu.jpg Muqdisho:- Wafti balaadhan oo ka socoda Midawga Yurub ayaa maanta ka degay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, waftigaasi ayaa waxa hogaaminayay Safiirka Dalka France u jooga Nairobi,iyaga oo markiiba Kulan dheer la qaatay Masuuliyiinta Dawlada Somaliya iyo waliba Odayaal dhaqameedka Beesha Hawiye,waxa la sheegay inay ka wada hadleen aaya ka Talinta Nabada.

Wafdiga oo ay hogaamineyso safiirka waddanka Faransiiska ee Nairobi, ayaa waxa ay kulamo la yeesheen guddiga odoyaasha beelaha Hawiye ee uu guddoomiyaha u yahay Maxamed Xasan Xaad oo ay ka wada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxa kulamo ay la yeesheen xubno ka tirsan bulshada rayidka, iyagoo dhinaca kalena wada hadal haatan uu u socdo Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen( Nuur Cadde) 

Ujeedada booqashada wafdiga ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalka xagga dib u heshiisiinta iyo nabad loo helo waddanka Somalia, waxaana lagu wadaa in maanta gellinka danbe ay wafdigu ka hadlaan booqashadooda.

Warar hordhaca ah oo ka soo baxaya Kulan haatan u socoda waftigaasi iyo Raisalwasaare Nuur Cadde ayaa sheegaya inay aad diirada u saarayaan sidii Caasimada Looga dhalin lahaa Nabad buuxda,warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Raisalwasaare Nuur Cadde uu Masuuliyiintaasi ka socta EU-da uu ka dalbaday inay ka taageeraan dhanka ka shaqaynta Nabad iyo waliba Dubu hashiinsiinta uu dhawaan daboolka ka qaaday Nuur Cadde.

 

Xaafiiska- Bosaaso

Maakhir.com