jedah3.jpgDimishiq:- Shirkii wadmada Carabta uga socday Caasimada Dalka Sriya ee Dimishiq ayaa la soo afmeeray iyada oo aad loo ga hadlay arimo badan oo ka mid yihiin Xaalada Somaliya ka oogan, Dagaalada Falastiin, Xiisada Lubnaan iyo in la qaadaco Xidhiidhka Dalka Maraynkan ee ku aadan Bariga Dhexe, Masuuliyiinntii ayaa dhamaan taageeray qorshayaasha Shirkaasi.

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo ka hadlayey Xiritaankii shirka ayaa cambaareeyey Siyaasada dawladda Mareykanka ee Bariga Dhexe & Geeska Africa ,isagoo sheegay in dhamaanba looga baahan yahay Carabtu in ay isku tashato oo mawiqif ka istaagto.

Mr Asad waxa uu  aad uga hadlay xaalada Dalka Somaliya oo uu sheegay inay tahay mid Cakiran oo u baahan in Teegeera deg deg ah lala garab istaago, waxa intaasi ku daray inay jiraan wadamo badan oo taageeray qorshayaasha Dalka Somaliya balse ay sii wadi waayeen tageeradooda.

A-Asad waxa uu ugu baaqay Dawlaha Carabta inay ka shaqeeyaan sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Somaliya ee ay dagaaladu aafeyeen,waxa uu aad ugu nuux-nuuxsday in haatan xaalada Dalka Somaliya ay tahay mid khatar ah isla markaana hadii aan wax laga qaban ay gaadhayso meel aad u liidata.

Dhanka kale Xaga Dawlada Somaliya ayaa shirkaasi waxa uga qayb galay Masuuliyiin fara badan kuwaasi oo uu ka mid yahay Danjiraha Somaliya u fadhida Dalka Masar isaga oo halkaasi ka soo jeediyay warbixino badan oo ku aadan arimaha Dalka Somaliya.

Jaaamc Ayaanle Feyte

Maakhir.com/Bosaaso