fo.jpgJubada Dhexe:- Shaqaale AJaanib ah oo ka shaqayn jiray Hay”adda FAO ayaa maanta Lagu qafaashay meel ka mid ah Gobolada Jubada dhexe ee Koonfurta Dalka Somaliya, Shaqaalahaasi ayaa waxa Afduubay ninman Hubaysan iyaga oo Rasaas ooda kaga qaaday Gaadhigii ay wateen.Shaqaalaha la afduubtay ayaa dhalashadooda lagu kala sheegay Dalalka Ingriiska iyo Kenya, waxaana dhaawac halis ah soo gaaray ninka u dhashay Dalka Ingriiska oo isagoo dhaawac ah gacanta ugu jira Kooxaha dableyda.

Shaqaalaha u shaqeeya Hey’adda Caalamiga ah ee FAO ayaa beryahan howlo qiimeyn ah ku hayay deegaanada Gobalka Jubada Dhexe, waxaana ay tijaabooyin ku hayeen Biyaha wabiga Jubba.

Lama oga halka ay la abaareen kooxihii afduubtay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulada deegaanka ee ka jira Gobalkaas oo ku aadan afduubka shaqaalaha ajaaniibta

Maakhir.com/Bosaaso