iiiiiiiiiiii.jpgGaalkacayo:- Ciidamo Kulanyo ah oo Itoobiyaan ah ayaa la keenay Xadka U dhexeeya Gobolka Mudug iyo Gal Guduud,Ciidamadaasi ayaa waxa la cadeeyay inay sugayaan Amaanka Deegaanadaasi oo mudooyinkan ay ka oognaayeen Dagaalo.Ciidamadan ayaa ka soo baxay maanta Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya talis Milateri oo kuyaala ,waxa ayna ciidamadaasi Itoobiyaankaa lafilayaa in ay deg deg ku galaan goobihii ay saaka tageen Kooxo sheegtay in ay Al-Shabaab yihiin.

Soo galida ciidamada ee xuduudaha labada gobal ayaa ku beegantay saacado kooban ,markii ay qabsadeen Magaalada Cadaado Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,taasoo caro ku beertay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Gobalada dhexe ayaa maalmahaan xaaladoodu ay tahay mid kacsan ,waxaana ka jirey xiisado dhinaca Siyaasadaa ,ayadoo ay dhaqdhaqaaqyada Milaterigu socdeen ayaan hadana la ogaan Karin Milateriga faraha badan ee ka socda dawladda Itoobiya halka ay dagayaan.

Maakhir.com