20071027172642somaliacapa.jpgCadaado:-Ilaa shan iyo toban qof, ayaa ku dhintay, iyadoo qaar kalena ku dhaawacmeen dagaal kooxo hubaysan iyo ciidamada dowladda ku meelgaarka ah ku dhexmaray magaalada Cadaado gobolka Galduguud,waxa la sheegay inay Dagaalkaasi iskaga hor yimaadaan Kooxaha diidan Dawlada Somaliya iyo Ciidamada Dawlada Somaliya oo iyana Halkaasi ku sugnaa.

Degmada Cadaado, ayaa wararku sheegayaa in ay dagaalka kadib ay la wareegeen ciidamada ka soo horjeeday dowladda ku meelgaarka ah oo ay ugu cadcad yihiin kooxda al-Shabaab,kuwaasi oo gabi ahaanba gacanta ku dhigay Degmada Cadaado.

Qaar ka mid ah dhaawicii dagaalka Cadaado, ayaa la geeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ilaa haatan lagu daawaynayo,waxa jira dad badan oo dhaawacaasi ka mid ah kuwaasi oo Naftoodu halis tahay.

Waxaa wararku sheegayaan in ay kooxda weerarku soo qaaday la sheegay in ay la wareego baabuur kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan Tang-yo,kuwaasi oo ay lahaayeen Ciidamada Dawlada Federaalka Somaliya.

Warar dheeraad ah oo haatan na soo gaadhaya ayaa sheegay inay Ciidamada Itoobiyaan ahi soo galeen xadka deegaanka Cadaado iyo Magaalada Gaalkacayo u dhexeeya kuwaasi oo halkaasi ka wada Abaabul xoogan oo Dagaal.

 

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com

Advertisements