Ceerigaabo:- Roobab Goos Goos ah  ayaa ka Da”ay meel ka mid ah Gobolka Sanaag siiba Xarunta Gobolka ee Ceerigaabo, Roobkaasi ayaa waxa la sheegay inay ka Da”een meel ka baxsan Magaalada Ceerigaabo, sida Buurta Surad iyo Agagaarkeeda,waxa jira inay Hogol fiicane ku curtay Agagaarka Degmada Ceerigaabo halkaasi oo aad loogu Dayrsaday.

Hogol aan saasi u waynayn ayaa Biyo dhigtay Agagaarka Buurta Surad halkaasi oo ay mudo haysay sida ay noo sheegeen dadka Deegaanka oo iyaga aad u soo dhaweeyay Roobkaasi,dadku waxay sheegeen in Hogoshaasi ay ahayd mid Biyo Dhigtay Guud ahaan Deegaankaasi.

Roobkaasi ayaa waxa la cadeeyay inaanu wadan wax Dabayl ah oo uu ahaa mid si Degan u Da”ayay, iyada oo Deegaanka uu helay ay ku noolaayeen Reer guuraa badan oo mudo Abaari haysay kuwaasi oo shaaca ka qaaday inay ku diirsadeen Hogoshaasi roobka ah ee ku Curatay Maanta.

Guud ahaan  Gobolka Sanaag ayaa waxa mudooyinkan danbe laga soo sheegay inay ka jiraan Abaaro baahsan iyo waliba biyo yaraan,taasi oo sababtay inay xooluhu iyo dadkuba qarka u istaagaan inay dhamaadaan.

Deegaanada ugu badan ee Abaarta mudooyinka laga soo sheegayay ayaa waxa ka mid ah Degmada Xingalool, iyo Degamada Dhahar kuwaasi oo ay ka xumaadeen Ceelashii Biyaha ee laga dhaansan jiray.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com