shiphijacked.jpgYeman:- Markab nooca ay racaan Dalxiiyaashu ayaa la sheegay in Maanta Galinkii danbe Koox budhcad badeed ahi Afduubtay Markabkaasi ayaa la sheegay inuu Dhex Muquurayay xeebta u dhexaysa Yeman iyo Somaliya waxana la sheegay inay wateen shaqaale gaadhaya ilaa 30-Ruux oo  u kala dhashay  qaarada Yurub.

Hadal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska ayay ku sheegtay in uu jiro qafaalka lagula kacay markabka faransiiska, waxayna wasaaradda sheegtay in falkaasi uu yahay wax laga xumaado.

Markabkan ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay “Ponant” waxaana lagu qafaashay badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxaa markabka dul saran shaqaale gaaraya 30- ruux balse xilliga afduubka ma saarneen wax dalxiisayaal ah ama rakaab, waa sida uu u faahfaahiyay hadalka Christophe Prazuck oo ah afhayeenka goor sii horreysay u hadlay Ciidamadda dalka faransiiska.

Waa markii ugu horaysay oo markab nooca Dalxiiska ah lagu qafaasho Xeebaha Dalka Somaliya,iyada oo ay jiraan Maraakiib badan oo kuwa sahayda Gar Gaar qada  ah ay Afduubeen Budhcad Somali ah.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com