kkkkkkkkk.jpgDhahar:- Sida ay noo xaqiijiyeen Masuuliyiinta Cisbitaalka Degmada Dhahar waxa maanta Degmada Dhahar Shuban biyood ugu geeriyooday Ilaa Hal ruux kaasi oo uu soo ritay Cudurkaasi, qofkaasi dhintay maanta ayaa la sheegay inuu ahaa Inan yar oo oo mudo Cudurkaasi la Il daraa, Dhakhaatiirta Cisbitaalka Dhahar ayaa arinkaasi aad ugu walaacsan.
Maxamed Salaax Bardaan oo ka mid ah Maamulka Cisbitaalka Degmada Dhahar ayaanu goor dhawayd khadka Tellefoonka kula xidhiidhnay waxana uu noo sheegay inuu hal Ruux ku geeriyooday, halka 30-kalena ay jiifaan Cisbitaalka kuwaasi oo haatan daawayn lagu wado.
Dr Bardaan waxa uu sheegay inay jiraan dadka qaar laga keenay Miyiga kuwaasi oo ay Xaaladoodu tahay khatar, maadaama ay soo marayaan Masaafo aad u durugsan.
Waxa uu tibaaxay Masuulkaasi inay xaalku marayo meel aad khatar u ah iyada oo aanay jirin wax taakula ah oo la soo gaadhisiyay,taasi  oo keeni karta buu yiri inay xaaladu faraha ka soo baxado.
Degmada Dhahar ayaa ilaa shalay galinkii hore waxa la keenay 30-Ruux oo uu soo ritay Cudurka Shuban boyidooku kuwaasi oo ay Si Hagar la”aan ah ugu adeegayaan Shaqaalaha Caafimaadka ee Degmada Dhahar.
Dhamaan Jaliyada Deegaanka Sanaag waxa loogu baaqayaa inay dadkaasi dhibaataysan ay Gar Gaar Deg Deg ah la soo gaadhaan, iyada oo aanay jirin wax Maamul ah ama Hay”adda ah oo dadkaasi dhankooda soo jaleecday.
Maakhir.com/Bosaaso