cawaale.jpgBosaaso:- Maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaaday inuu bidhaasan doono wariyaasha ka hawl gala Goboladood kuwaasi oo ay sheegeen inay faafiyeen warar aan loo baahnayn in Puntland dibada looga saaro, kuwaasi oo qaarkood amar la aan soo sawirtay gooba laga tahriibta,si ay hadhaw warbaahinta ugu soo bandhigaan arinkaas ayaa waxa aad uga cadhooday Masuuliyinta Puntland.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa ku gacan saray xubno saxafiyiin ah kuwaasi oo damacsanaa inay wada xaajood la galaan Masuuliyinta amartay in la xidho Wariyaashaasi,walaw ay ku gacan saydheen oo ay diideen inay wax jawaab ah ka bixiyaan xadhiga wariyaashi.

Taliyaha Booliska Puntland ninka lagu magcaabo C/ Casiis Siciid Gacamay ayaa saxafada u sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan wariyaasha caadaystay inay Puntland wararka aanay sugin ka gudbiya isaga oo intaasi ku daray inay wali jiraan qaarkel oo wariyaal ah oo lagu raad joogo kuwaasi oo lagu hayo inay danbiyo ka galeen Maamulka Puntland waa sida uu sheegaye.

Gacamay waxa uu ka hadalay labada wariye oo xidhan haatan isaga oo sheegay inay Maamulka danbi wayn ka galeen sidaasi darteena Maxkamad la soo taagi doono, Mr Baduugaaye waxa uu sheegay inay soo baxayaan warar sheegaya in Puntland ay wariyaashaasi xaq daro ku haysato isaga oo taasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Hadalkaasi baduugaaye ayaa ku soo beegmaya xili ay Xabsiyada Puntland buux dhaafiyeen wariyaasha ka hawl gala Idaacada Gobolada Puntland iyo waliba kuwa kale oo madax banaan oo iyana ku jira jeelasha Puntland,wariyaashii ugu danbeeyay ayaa ahaa wariye Cawaale Jaamac Salaad oo maalintii 16-xidhan iyo wariye Idile Macalin oo isana maalintii 5-usoo galyso inta uu ku jira Gacanta Booliska Puntland.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/Bosaaso