Dailypuntland-09-04-2007(DP-Muqdisho)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhahar ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi saaka dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsanaa Puntland iyo Somaliland,iyadoo labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Labada Maamul wafuud heer wasiira ah u soo direen Gobalka Sanaag,islamarkaasna dhinac walba wado Hay,ado la tusayo cidda sida tooska ah uga talisay Deegaamadaasi.

Majiraan wax khasaare ah oo ilaa iyo haatan la xajiiyey,inkastoo warar xog ogaal sheegayaan inay jirto khasaare soo kala gaaray labada Geesood balse aan la garanayn inta ay le’eg tahay,waxaana istaagay dhaqdhaqaaqa Magaalada,iyadoo dagaalka culayskiisu ka dhacay Aagga Baraakaha ee Degmadaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee dalka naga soo gaaraya ayaa waxay tibaaxayaan inuu imminka dagaalku joogsaday,islamarkaasna weftigii Puntland oo uu horkacayey Guddoomiyaha baarlamaanka isaga baxeen Degmada Dhahar,iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay bixitaankooda.

Gurmadka Labada Geesood ayaa wuxuu ku wajahan yahay Jiida dagaalku ka dhacay,iyadoo dadka ku dhaqan Degmada Dhahar ka cabsi qabaan inuu dagaaladu xoogaystaan,islamarkaasna dhibaato ka soo gaarto.

Maamulada PL iyo SL ayaa waxay labadu ku guuldaraysteen inay gutaan Ma’suuliyadda ka saaran Goobaha ay maamulaan,iyagoo la arko marka xiisad colaadeed soo cusboonaado,islamarkaasna Maamulkasta doonayo inuu fushado danihiisa gaar ah.

Dailypuntlandnews

Dailypuntland@hotmail.com