hus1.jpgBosaaso:- Maalinta Saxaafada Somaliya oo maanta ku beegnayd ayaa waxa si wayn looga oogay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya, Munaasibadaasi ayaa waxa joogay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Somaliya Agaasimayaasha Idaacada ka hawl gala Muqdisho iyo waliba Hay”adda arimaha warbaahinta isha gaarka ah ku eega.

Munaasibaas oo ay soo qabanqaabisay xarunta xorriyatul qowlka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay intiisa badan xadgudubyad lagu hayo saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana saxafiyiintii kasoo qaybgalay ay muujiyeen in xadgudubyo joogto ah ay kaga yimaadaan dhanka Dowlada Somalia iyo waliba sidii Dawlada Somaliya iyo Saxafiiyinta Somaliyeed ay Saxeex ukala dhigan laheeyeen.

 Dhamaan dadkii Kulankaasi ka soo qayb galay ayaa sheegay in Saxaafada Somaliya la Cabudhiyo kuwaasi oo dhaliil dusha uga tuuray Dawlada Somaliya oo ay sheegeen inay tacadiyo badan u gaystaan Saxaafada madax banaan.

Dhanka kale  Ra’iisul wasaaraha Somalia oo khadka taleefoonka kaga qaybgalay kulanakaasi ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somalia ay gacan siin doonto Saxaafadda Somalia ayna ka digtoonaan doonaan wixii hadda ka dambeeya inay xadgudub u geystaan saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed.

Nuur Cadde waxa uu sheegay inay jiraan khaladaad yar yar oo mar mar dhaca kuwaasi oo saxafiyiinta loo gaysto isaga oo carar baabay inaanay dhici doonanin mar danbe oo ay Dawlada Somaliya ka fiir sanayso arimahaasi oo dhan.

Nuur Cadde ayaa dhanka kale waxa uu dhaliilay warbaahinta qaarkeed oo uu sheegay inay waxay doonaan iska sheegeen kuwaasi oo dadka jaah wareer ku rida waxa uu sheegay inay ka waan toobaan oo ka shaqeeyaan maslaxada dadka Somaaliyeed.

Munaasibadaasi oo ahady mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa halkaasi lagu soo bandhigay Qoraalo cadaynaya wariyaal la dilay iyo kuwo wali xidhan oo aan xitaa Maxkamad la soo Taagin.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com