cccccccccc.jpgDimishiq:- Madaxweynayaasha Carbta Ee Ku Kulansan Magaalada Dimishiq ee Dalka Syria halkaasi oo ay kaga Qaybgalayeen Shir madaxeedka Carabta ee Labatanaad Ee Ka Furmay Syria.Inta Badan Madaxda Carabtu waxa ay Shirkaasi Ku Dhamaysteen Cambaareyn Is Jiid Jiid Iyo Eedeeyn Dhedooda ah.
Hogaamiyaha Liibiya Mucamaral Qadaafi ayaa Si Kulul U Weeraray Hogaamiyayaasha Carbeed ee Dalalkooda Sxbka Dhaw La yihiin Dowlada Mareykanka hadalkaasi oo madax Baadan oo Carab ah Ay ku So Dhaweeyeen Si Qosol ku lamaanan yahay.
Col: Qadaafi Waxa uu Shir Madaxeedka Labaatanaad ee Carabta Ee Ka dhacayay Dimishiq Ka Sheegay In Madaxda Carabtu ay ka Gaabiyeen In ay sameystaan Gole Amaan Oo Mideeya Suuq Dhaqaale Oo Hoos Yimaada Carabta Iyo Is Taageersi Ka dhex dhaca Carabta Balse taas badalkeeda ay Jecelyihiin In Ay Shirqoolo Isu Maleegaan Qaarkoodna aysan Walaalahood la jeclayn Khayrka Iyo Waxbaaha Wanaaga.
Balse Mucamaral Qadaafi Waxa uu tusaale U soo qaatay In Madaxda Carbed ee ka Amar qaata mareykanka Iyo reer Galbeedka in ay mari Doonaan Halkii uu Maray Hogaamiyihii Ciraaq Sadaam Xuseen Isaga oo Col Qadaafi u Sheegay Madaxda Carabta In Maalinba Mid La Saari Doono Kawaanka Laguna Gowrici Doono.
Qadaafi Waxa uu Wadamada Carabta Ugu baaqay In Ay Xiriir La Sameystaan Dowlada Iran Oo Ah Buu yiri Dowlada Islaam ah Lana Daris ah Dowladaha Carbata Taakulada Islaamkana U Baahan.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Syria Bashar Al Asad Ayaa Khudbad uu ugu talagalay Furitaanka Shir Madaxeedka Carbta ee Dalkiisu Martigalinayo Isga oo dowlada Israel Ku Eedeeyay In Lug Jiid ku Noqotay Howlahada Nabadeed EeBariga Dhexe Isaga oo Sheegay Al Asad In Ay Ka Shaqeysnayso Isku Dirida Carbata Dhexdeeda.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com