Muqdisho:- Afhayeenka odayaasha Dhanka ee Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somaliya waxana uu sheegay inaanay suura gal ahayn in wakhtigan Raisalwasaare Nuur Cadde Su”aalo la waydiiyo,oo la horkeeno baarlamaanka hortiisa.

Axmed Diiriye ayaa arintaasi sabab uga dhigay xaalada haatan dalku ku jiro oo uu sheegay inay tahay mid cakiran, isla markaana anay Dawlada Nuur Cadde wali gaadhin xiligii Su”aal lagu waydiin lahaa.

Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu ugu baaqay xildhibaanada Baarlamanak KMG ah ee Soomaaliya inay raacaan qorshaha dib u heshiisiinta ee wado Ra’isalwasaare Nuur Cade, isagoo ku tilmaamay qorshaha Ra’islawasaaraha mid nabad u horseedi kara wadanka Soomaaliya.

“Maha in hadeer ay Baarlamaanku bilaabaan dacwad ka dhan ah Raisalwasaare Nuur Cadde e waa inay la sheeqeeyaan oo ay isla garab taagaan Dadaalada uu ugu jiro sidii Dalka oo dhan nabad waarta loogu soo dabaali lahaa”Saas waxa yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Dhanka kale Nabadoonka ayaa soo qaatay xaaladaha ka oogan Suuqa Bakaaraha uu sheegay inay tahay wax loo baahan yahay inay Beesha Caalamku il gooni ah ku eegaan,Suuqaasi ayaa waxa uu sheegay Axmed Diiriye inay ka jiraan xad gudubyo badan oo loo gaysanayo Ganacsatada Suuqaasi Degan.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Dawlada Somaliya inay Ciidamadeeda kala baxado gudaha Suuqa Bakaarah si meesha looga saaro Qalalaasaha Joogtada ah ee Suuqaasi ka dhacaya.

Hadal Axmed Diiriye ayaa ku soo aadaya xili ay Suuqa Bakaaraha ka furteen Ciidamada Dawladu Saldhig kaasi oo looga gol leeyahy in lala socdo xarakaadka Suuqaasi iyo cida ku lugle Rabshadaha halkaasi ka oogan.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com